Haweeney Muslimad ah oo loo doortay Madaxweynaha dalka Singapore

Markii ugu horreysay in ka badan 47-sanno kadib, waxaa xilka Madaxweynaha  ee dalkaasi  loo doortay Haweeney.

Xaliimo Yacquub oo 62 jir oo ka soo jeeda Qowmiyadda Malaay ee looga tirada badan yahay dalkaasi ayaa si doorasho la’aan ugu guuleysatay xilkaasi, kadib, markii ay Guddiga Doorashadda sheegeen inuusan jirin Musharax kula loolamaya Doorashadaasi o ola qorsheynayey inay shalay dhacdo.

Guusha Xaliimo Yacquub waxaa si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa berrito, mana aha qof ku cusub Siyaasadda,  waxayna xilka  Afhayeenka Barlamaanka ee dalka Singapore  soo haysay in ka badan 3-sanno.

Waxayna noqon doontaa Madaxweynihii 9-aad ee uu yeesho dalkaasi iyo haweeneydii ugu horreysay ee qaba xilka Hoggaamiyaha dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Tony Tan oo muddo 6 sanno hayey xilkaasi waxa uu xilli-hawleedkiisa ku ekaa bishii la soo dhaafay ee August 31-da.

Guddoomiyaha Golaha La-talinta Madaxtooyadad ee dalkaasi, J Y Pillay ayaasi KMG xilka Madaxweynaha u hayey ilaa bishan Sept. 1-dii.

Waxaa la filayaa in maalinta Khamiista ee soo socota uu u bilaaban doono Xilli-hawleedka Madaxweynaha.

Dhinaca kale, Nidaamka Doorashadda Madaxweynaha ee dalkaasi ayaa isbedel lagu sameeyey bishii November ee sannadkii hore, waxayna Mudanayaasha Barlamaanka u codeeyeen Mashruuca qaabka loo doorto Madaxtooyadda, waxaana la go’aamiyey in sannadkan xilkaasi kayd u yahay Qowmiyadda Malaay.

Isbedelkan waxa uu oggolanayaa in Doorashadda  Madaxweynaha uu kayd u ahaado Qowmiyadaha looga tirada badan yahay dalka Singapore.

Madaxweynihii ugu horreeyey ee ka soo jeeda Qowmiyadda Malaay waxa uu ahaa Yuusuf Ishak, kaasi oo xilkaasi hayey tan iyo intii uu ka geeriyooday sannadkii 1970-kii.

©Radio Dalsna

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media