Haweeney Maraykan ah oo aflagaadeeysay Madaxweynaha Zimbabwe oo la xiray

Afhayeenka Safaaradda Maraykanka ee ku taalla caasimadda dalka Zimbabwe ee Harare,David McGuire  oo la hadlay Wakaalladda Wararka ee AP ayaa xaqiijiyey inay Boliska dalkaasi shalay xireen Haweeney Maraykanka oo lagu magacaabo Martha O’Donovan.

Haweeneydaasi oo 25-jir ah Waxaa lagu soo oogay inay aflagaadeeysay Madaxweyne Robert Mugaabe.

Qareenada u doodaya Haweeneydaas  ayaa  sheegay inay Barteeda Twitterka ku qortay inuu Madaxweynaha Zimbabwe yahay Nin Xanuunsan.

Martha O’Donovan waxay beenisay Eedeymaha lagu soo oogay oo ay ku tilmaamtay kuwo aan sal lahayan oo la dhoodhoobay.

Haweeneydaasi oo horey uga soo qalin jebisay Jamaacadda New York waxay Agaasime ka tahay Telefishinka MAGAMBA TV oo ku yaalla gudaha dalka Zimbabwe.

Boliska Zimbabwe waxay sheegeen inay Eedeysanaha Twitter-keeda soo dhigtay Qoraal ay ku sheegtay inuu iyagu hoggamionayo Nin Jiran oo Keligiis cune ah.

Qareenadda  dalka Zimbabwe iyo Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegay in ku-dhawaad 200 00 qof horey loogu soo oogay Dacwad ku aadan inay aflagaadeeyeen Madaxweynaha da’da ah ee Robert Mugaabe.

Sharciga dalka Zimbabwe ayaa dhigaya in qofkii aflagaadeeya Madaxweynaha uu muteysanayo Xabsi dhabn 20-sanno.

Si kastaba ha ahaatee, Waana markii ugu horreysay ee Xarig noocaasi ah la sameeyo, tan iyo markii uu Madaxweyne Mugaabi bishii hore magacaabay Wasiir indhaha ku haya waxyaabaha lagu qoro Shabakadaha Warbaahinta  Bulshada ee Social Media.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media