Golaha Wasiirrada ee Sacuudiga oo isku dhaandheyn lagu sameeyey iyo Amiiro iyo Wasiiro hore oo la xiray

Golaha Wasiirrada ee Sacuudiga oo isku dhaandheyn lagu sameeyey iyo Amiiro iyo Wasiiro hore oo la xiray.

Ugu yaraan 11 Amiir oo Dhaxal-sugayaal ahaa iyo 4 Wasiiro haatan xilal hayey iyo kuwo hore ayaa Xabsiga la dhigay, kadib, markii lagu soo oogay Musuq lagu sameeyey Gurmadkii daadadkii sannadkii 2009-kii ku dhuftay magalladda Jiddah ee dalkaasi.

Maalqabeenka Amiir Waliid Bin Talaal ayaa ka mid ah dadka la xiray.

Sidoo kale, Madixii Ilaaladda Qaranka Sacuudiga, Amiir Metab Bin C/llaahi,. Taliyihii Ciiddanka Badda, C/llaahi Al-suldaan iyo Wasiirkii Dhaqaalaha, Caadil Fakiyeh  waxaa laga wada qaaday Xilalkii ay hayeen.

Dhinaca kale, Milliteriga Sacuudiga waxay sheegeen inay soo rideen Gantaal ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta ku soo tureen meel ku dhow Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha Boqor Khaalid oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Riyaadh.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media