Dowladda Raashiya oo Pakistan ka iibisay Diyaarado dagaal

Milliteriga Pakistan ayaa la soo gaarsiiyey 4 Diyaaradaha Helikoptarada ee ay qoryaha ku xiran yihiin oo ay ka soo iibsadeen dalka Raashiya.

Diyaaradahaasi oo noocoodu yahay MI 35 M ayaa la sheegay inuu qiimahoodu gaarayo 152 million oo Dollar.

Heshiiska Pakistan looga iibiyey Diyaaradaasi ayaa ku soo beegantay markii ay Dowladda Raashiya  cunaqabataynta hubka ka qaadeen dalka Pakistan sannadkii 2014-kii.