Dowladda Kenya oo lagu eedeeyey inay wax ka og tahay dadka lagu la’ yahay W/bari ee dalkaasi

Qaraabadda dadka lagu la’ yahay Degmadda Libooya oo u dhow Mandera ayaa sheegay inay dadkaasi kaxaysteen rag isugu sheegay inay yihiin Saraakiil Bolis.

Dadkaasi oo la hadlay Wargeyska The Nation waxay sheegeen inay Dowladda Kenya ku lug leedahay Afduubkaasi, waxayna ugu baaqeeen inay ka hadlaan halka ay ku dambeeyeen dadka laga afduubtay Libooya iyo in Caddaaladda la soo taago kooxaha afduubka geystay.

Qaar ka mid ah Qaraabadda waxay ugu baaqeen Dowladda Kenya in la sii daayo dadkaasi ama la soo taago Maxkamadhaddii lagu tuhunsan yahay inay Dembiyo galeen.

Ugu yaraan 14 qof ayaa lagu la’ yahay Degmadda Libooyo oo 14-KM u jirta Xuduudka Kenya la wadaagto Somalia, kuwaasi oo ay ka mid  yihiin Sheekh C/llaahi Maxamed Yuusuf oo Imaam Masjid iyo Maamul Dugsi ka ahaa Degmadda Liboya, Maxamed Salaad Xasan, C/llaahi Murshid Iimaan, Faraax Yuusuf, Deeqow Maxamed Khaliif, Nuur C/llaahi, Xuseen Jamaac iyo nin magaciisa lagu soo koobay Sahal.

Dhinaca kale, dad badan oo ku nool Liboya ayaa bilaabay inay ka qaxaan Degmadaasi, kuwaasi oo badankooda u soo gudbay Xuduudka dhinaca Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media