Dowladda Iiraan oo sheegtay inaan dalkeeda laga isticmaali doonin Lcaagaha Dollarka

Go’aankaasi ayaa lagu dhawaaqay shalay oo ay Iiraaniyiinta u dabaal degayeen Maalinta u Khaaska ah Ciiddankooda.

Wakaalladda Wararka Dowladda Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay inu ujiro qorshe lagu joojinayo isticmaalka Lacagaha Dollarka, iyadoo lagu bedeli doono Lacagaha EURO ee laga isticmaalo dalalka Midowga Europe.

Wakaalladu ma sheegin xilliga rasmiga ee la dhaqan gelinayo joojinta Lacagaha Dollarka, waxayna arrintaan ku soo beegantay iyadoo Iiraan iyo Maraykanka ka dhexeeyo Ficiltan Siyaasadeed oo is-diidan.

Dhinaca kale, Bangiga Dhexe ee Iiraan ayaa sheegay inay Dollarka siin doonaan oo keliya Macaamiisha u diiwan gashan, isla markaana uu isticmaalka Dollarka ee suuqyada sharci-darro yahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media