Dowladda Faransiiska oo sheegtay inuusan weli dhimanin Heshiiskii Nukliyeerka ee Iiraan

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Faransiiska, Jesn-Yaves Le Darain ayaa isagana sheegay inuusan weli dhimanin Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyerka Iiraan.

Wasiirka oo la hadlay Idaacadda RTL RADIO ayaa sheegay inay Dowladda Faransiiska ka go’an tahay in la adkeeyo Heshiiskaasi, iyadoo Iiraan lagu ammaanay Dhaqangelinta Heshiiskii la gaaray sannadkii 2015-kii.

Wasiirka Maaliyadda ee Faransiiska, BURUNO LE MAYRE ayaa sheegay inuu Go’aankii Trump ahaa mid qaldan, isla markaana aysan Maraykanka isku arkin inay yihiin Boliska Dhaqaalaha Caalamka.

Madaxweynaha dalka Faransiiska, Emanwal Makroon ayaa la filayaa inuu goor dambe oo maanta ah la hadlo dhigiisa dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani.

Dhaqdhaqaaqyadan Diplomaasiyadeed ayaa yimid, kadib, markii uu Madaxweyne Donald Trump shaaciyey inuu dalkiisa ka baxay Heshiiskii Caalamiga ee Barnaamijka Nukliyeerka Iiraan ee la kala saxiixday sannadkii 2015-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media