Diyaaradaha Dagaalka ee Raashiya oo duqeyn ku dilay dad rayid ah

Ugu yaraan 34 qof oo ay ku jireen carruur oo lagu dilay doonyo marayey Webiga Furaat oo ku dhow Degmadda Deyr Asuur.

Wararku waxay sheegayaan in duqeymahaasi lala beegsaday in ka badan 40-doonyo oo ka soo shiraacday DEgmadda Bowlil ee K/galbeed ee Deyr As-suur.

Milliteriga Raashiya kama hadlin duqeynta lagu dilay dadka rayidka ah, wuxuuna weerarkaasi yimid, xilli ay Ciiddanka Dowladda Syria iyo Kooxda Daacish ku dagaalamayaan Deyr As-suur

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media