Dhowr qof oo ku dhaawacantay qarax ka dhacay dalka Turkiga

Warbaahinta dalkaasi ayaa sheegtay inay dadkaasi ku dhaawacmeen Bam la dhigay meel qashin-qub ah oo ku taalla magaallo-xeebeedka Ajeyan ee Gobalka Izmir ee Galbeedka dalkaasi.

Wakaalladda Wararka ee Dogan ayaa sheegtay inay qaraxaasi ku dhaawacmeen dhowr qof oo la socday Bas marayey goobta lagu qarxiyey bamka.

Telefishinka Dowladda Turkiga ee TRT Haber ayaa soo bandhigay Muuqaalka burburka soo gaaray Baska iyo gaadiid kale oo marayey meel ku dhow halka uu ka dhacay qaraxa.