Dagaalamayaasha Muslimiinta ROHINGYA oo ku dhawaaqay Xabbad-joojin

Hadal ka soo baxay Dagaalamayaasha  Xorreynta ROHIMGYA (ARSA) ayaa lagu sheegay inay joojiyeen dagaalkii ay kula jireen Milliteriga Dowladda Mayanmar, si ay Kooxaha Samafalka gargaar u gaarsiiyaan dadka ROHINGYA ee ku nool Gobalka Rakhina ee dalkaasi.

Dagaalamayaasha waxay ugu baaqeen Milliteriga Mayanmar inay dhowraan Xabbad-joojinta KMG, isla markaana iska dhigaan Hubkooda.

Kooxda Mukhaawamadda ARSA waxay bishii hore weerareen 30 Baro Bolis iyo Saldhigyo Milliteri oo ay joogeen Ciiddan ka tirsan kuwa Dowladda Mayanmar.

Ku-dhawaad 300,000 oo Qaxootiga ROHINGYA ayaa ka cararay dagaalkii ka dhacay Gobalka Rakhine, iyagoo magan-galay dalka Bangaladesh

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media