Ciiddanka Dowladda Syria oo mar kale dagaal ku qaaday goobaha ay Kooxda Daacish ka joogeen Koonfurta Dimishiq.

Gulufkaas Colaadeed ayaa yimid wax yar kadib xabbad-joojin loogu talagalay inay Haweenka, Carruurta iyo dadka da’da kaga baxaan Deegaankaas.

Milliteriga Dowladda Syria iyo Isbahaysigooda waxay  dagaal socday 7-aadyo  ugu jiraan sidii ay Maleeshiyadda Kooxda Daacish uga qabsan lahaayeen goobta keliya ee ay ka joogaan Koonfurta magaalladda Dimishiq.

Dhinaca kale, Kooxda La-socota Dagaalka Syeia waxay sheegeen inay Waaberigii hore ee saakayto ay Deegaankaasi ka baxeen Basas ay la socdaan Dagaalamayaasha Kooxda Daacish iyo Xaasakooda, kuwaasi oo ku wajahan Deegaanka ay Daacish ka joogaan Bariga dalkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media