Burundi oo ka carootay Faransiiska oo ugu deeqay 10-dameer.

Wasaarada  Beeraha ee dalka Burundi ayaa amartay in meel gaar ah lagu hayo (lagu karantiino)  10 dameer oo  ay Faransiiska ugu soo deeqeen Tuullo ku taalla Bartamaha dalkaasi.

Dameerahaasi  oo laga soo iibiyey dalka Tanzania waxaa loo qeybiyey dadka deggan Tuullo ku taalla Gobalka Gitega, waxayna Deeqdan qeyb ka ahay Mashruuc ay Hay’ad NGO oo Deegaanka ah ku taageerayso Haweenka iyo carruurta si ay dameerahaasi ugu rartaan wax-soo-saarka Beeraha, Biyaha iyo qoryaha wax lagu karsado.

La-taliye Madaxtooyo waxa uu Mashruucaasi iyo Deeqda Dameeraha ku tilmaamay Aflagaado lid ku ah Qaranka.

Afhayenka Aqalka Senedka ee dalka Burundi, Gabby Bugaga waxa u ubartiisa Twitter-ka ku qoray inay Faransiiska qaadam doonaan Dameeraha.

Si kastaba ha ahaatee, Xiriirka Diplomaasiyadeed ee labadaasi dal ayaa gaar ymeel aad u hooseysa, kadib, markii ay Dowladda Faransiiska ka hor timid Aftidii isbedelka Dastuurka ee bishan ka dhacday dalka Burundi.

Isbedelkaasi waxa uu oggolaanayaa Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza inuu xilka sii hayn doono ilaa sannadkii 2034-kii.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media