Boliska Uganda oo 2 qof oo Muslim ah ku dilay Masjid ku yaalla Kampala

Afhayeenka Boliska Uganda, Emilian Kayima ayaa sheegay inay Boliska Waaberigii hore ee saakayto Hawlgal ka fuliyeen Masjidka USAFI ee Xaafadda Kisenyi iyo goobo kale oo ku yaalla gudaha iyo daafaha magaalladda Kampala.

Afhayeenka oo Hadal kooban siiyey Weriyayaasha, waxa uu xusay inay Ciiddanku Toogasho ku dileen 2 nin oo uu ku tilmamaay inay Argagixiso ahaayeen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Boliska Uganda, waxa uu tilmamaay inay Hawlgalkaasi ku qabteen tiro Eedeysanayaal lala xiriirinayo waxa uu ugu yeeray Argagixiso iyo Xag-jir.

Ma aha markii ugu horreysay o oay Hay’addaha Ammaaanka ee Uganda weeraraan Masjidyo ku yaalla dalkaasi.

Sannadkii la soo dhaafay, waxay Boliska dalkaasi  weerareen Masjidka Nakasero, oo ay ka so oqabteen 13 qof oo Muslim ah, kuwaasi oo wax yar la sii daayey, iyadoo Ciiddanku sheegeen in la soo siiyey Warbixin Sirdoon oo qalad ahayd.

Xigasho: The Monitor

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media