Bangiyadda Yuhuudda oo la sheegay inay maalgeliyaan Dembiyadda Dagaalka ee ka dhanka ah Reer Falastiin.

Warbixin ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights shalay soo saartay ayaa lagu xusay inay Bangiyadda Yuhuudda maalgelin siiyaan Dadka Yuhuudda ee la dejinayo dhulalka laga haysto Falastiin iyo Dagaalka lagu hayo dadka Reer Falastiin.

Warbixinta oo ka kooban 41 bog waxaa lagu sheegay in 7-da Banki ee ugu weyn Yuhuudda siiyaan shaqo dadka Yuhuudda ee la dejiyo dhulalka laga haysto Falastiin iyo inay Bangiyo ka furtaan oo bixiya Tas-hiilaadka lagu ballaarinayo Deegaanadaasi.

Hay’adda Human Rights Watch oo fadhigooda dhexe ku yaallo magaalladda New York  waxay kaloo sheegtay in dadka Falastiiniyiintya ee laga masaafurinayo dhulkooda ay tahay Dembi Dgaal oo ay Yuhuudda faraha kula jiraan.

Dhinaca kale, Hay’addu waxay ugu baaqday Bangiyada Yuhuudda uinay joojiyaan Macaamilka gudaha ee ay la leeyihiin dadka Yuhuudda la dejinayo dhulalka Falastiin.

Tan iyo markii ay xoogga kula wareegeen dhulalka Reer Falastiin sannadkii 1967-kii waxa si sharci-darro ah loo dhisay in ka badan 23 goobood oo la dejiyey 600,000 oo qof oo Yuhuud ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media