7 qof oo ku geeriyootay qarax ka dhacay dalka Pakistan

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in Sarkaal ka tirsan Maamulka Dowladda iyo 4 qof oo ilaalo u ahayd lagu dilay qaraxaasi oo ka dhacay Degmadda MAAMOOND oo 25-KM u jirta Degmadda Khaar oo u dhow xuduudka dalka Afganistan.

Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jirey Fawaad Cali ayaa ku sii jeeday inuu ka qeyb galo Shir Degmo, balse uu ku geeriyooday qarax miino oo loogu aasay jidka.

Dhinaca kale, Kooxda Daalibaanta Pakistan ee (TTP) ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaasi