C/raxmaan C/Shakuur “Wadaadkii dhiigeyga banneeyey waxaa soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida”

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Sheekh Xasan Daahir Aweys, kaasi oo ahaa in Siyaaasiga uu ku dhacay fal kufri ah.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in muuqaalkii uu soo duubashay Xasan Daahir Aweys uu ahaa mid ay soo abaabushay Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya, isla markaana waxaa uu dowladda ku eedeeyay inay fududeysay muuqaalkii Xasan Daahir uu fadwada uga soo saaray.

“Waxaan ognahay in wadaadkii Argagixisad ahaa ee shalay dhiigeyga banneeyey gaalnimadana igu xukumay ay soo abaabushay Hay’adda nabad-sugiddu waxaan ogahay isagoo jirran in kaniini lasiiyey oo lasoo kiciyey, Maadaama dowladdu fududeysay soo gudbinta fatwada wadaadka argagixisada ah wax diidaya malahan inay barri soo abaabusho dilkayga” ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa waxaa uu tilmaamay in uusan aheyn qof isla weyn oo diida talladii loo jeediya, isla markaana uu yahay qof sumad ku dhex leh Bulshada.

“Dowladdu waxay isku caddeysay in iyadii maanta ay Argagixisadii isticmaaleyso oo lacagteeda ku bixineyso,Ma ahi nin isla weyn oo taladii loosoo jeediyo diida laakiin dadka Soomaaliyeed ha ogaadaan dagaalka igu socda ee dowladdu sharafteyda ku dileyso” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media