HomeWararC/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Maanta lagu xayiray Garoonka Aadan Cadde

C/raxmaan C/Shakuur oo sheegay in Maanta lagu xayiray Garoonka Aadan Cadde

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay  Xayiraad lagu saaray Garoonka Aadan Cadde inta uusan bixin kahor. C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay xiyaarad kooban Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmeen isaga iyo wafdi uu hogaaminayay xili ay kusii jeedeen Magaalada Kismaayo,hayeeshee markii […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Maanta gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay  Xayiraad lagu saaray Garoonka Aadan Cadde inta uusan bixin kahor.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa waxaa uu sheegay xiyaarad kooban Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kula kulmeen isaga iyo wafdi uu hogaaminayay xili ay kusii jeedeen Magaalada Kismaayo,hayeeshee markii dambe lasii daayay.

- Advertisement -

War qoraal ah oo bartiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayuu ku shaaciyay in xariyaad Maanta lagu saaray Garoonka Aadan Cadde.

Kismaayo ayaan soo gaarnay, kaddib xayiraad kooban oo aan maanta kala kulanay aniga iyo wafdigayga gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Warar goor hore soo baxay ayaa sheegayay in Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo wafdigiisa muddo kooban lagu hakiyay Garoonka Muqdisho, kaddib markii Laamaha amniga Garoonka ay sheegeen in aysan heynin macluumaadka bixitaankiisa wafdigiisa,hayeeshee markii dambe wadabadalo dhexmaray laamaha amaanka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa loo ogolaaday inay safraan.

- Advertisement -

Si kastaba C/raxmaan C/Shakuur iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa hal diyaarad u raacay Magaalada Kismaayo,iyagoona halkaas uga qeyb galaya Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo dhawaan halkaas ka dhaceysa.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts