Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in saacadaha soo aaddan ay kulan yeelan doonan Ra’iisul wasaare Maaxmed Xuseen Rooble iyo siyaasiga Cabdiraxmaan Ca/shakuur Warsame, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan sababaha ay u kulmayaan labada mas’uul.
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ku sugan Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, sida ay sheegayan warar hoose oo aan helnay.
Waxaa la sheegay in u jeedka kulanka labada mas’uul uu la xariiro arrimo dhowr ah oo quseeya arrimaha siyaasadda dalka, iyo sidoo kale xaaladda kala guurka ah ee dalku marayo, iyadoo wararku ay sheegyaan in Ra’iisuul Wasaare Rooble uu kala tashanayo qaabka uu usoo dhisayo Golahiisa wasiirada ee looga fadhiyo ra’iisul wasaaraha Cusub in soo dhiso maalmaha soo aadda.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wsaaraha Cusub ee Soomaaliya ayaa waxa uu wadaa kulamo gooni gooni ah uu la leeyahay madaxda Mucaaradka ah, Waxaana sidoo kale uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, iyadoo xalay uu la kulamay Guddoonka Golaha Shacabka.