Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa uu ka hadlay boobka maalmihii la soo dhaafay ka socday dalka Koonfur Afrika ee loo geystay goobo ganacsi ay leeyihiin dad Ajaanib ah iyo kuwo ay leeyihiin Muwaadiniin Soomaaliyeed.
C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa waxaa uu sheegay in Muwaadiniinta Soomaaliyed ee ganacsiga ku leh Koonfur Afrika ee hantiyooda lagu boobayo halkaas ay u baahan yihiin heer Qaran.
Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ugu baaqay inay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ku heysta dalka Koonfur Afrika.
“Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee xadgudubka dilka iyo dhaca isugu jira loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika waxay u baahan yihiin hiil qaran. Dawladaha dhibka loo geystay muwaadiniintooda way ka falceliyeen. Wadamada qaar madaxdooda ayaa toos isugu xilqaamay, halka kuwo kale na ay ergooyin gaar ah u direen dalka K. Afrika. Madaxda dawlada federaalka ah waxaan ka doonaynaa in ay xil iska saaraan waxna ka qabtaan dhibka haysta muwaadiniinteena ku nool Koonfur Afrikaâ€ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur
Halkan Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo maalmihii la soo dhaafay dalka Koonfur Afrika ay ka socdeen Banaanbaxyo iyo boob xoogan oo loo geystay goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka Ajaanibta ee halkaas ku nool iyo qaar kamid ah kuwa Soomaalida.