C/raxmaan C/Shakuur “Madaxda M/Goboleedyada waxaan ka raali-gelinayaa hadalkii deelqaafka ahaa ee Farmaajo”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Maadxweyneyaasha maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa Magaalada Muqdisho heshiis rasmi ah uga gaaray arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021.

Heshiiska laga gaaray Doorashada ayaa waxaa Maanta ka hadlay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, waxaana uu sheegay inay soo dhaweynayan heshiiska, isagoona u mahadceliyay Madaxda mamul Goboleedyada.

C/raxmaan C/Shakuur ayaa heshiiskii ay gaareen Madaxda ku tilmaamay mid badbaadiyay dhibaato Soomaaliya kusoo wajahneyd xilligan kala guurka ah, wuxuuna eedeyn u jeediyay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in farmaajo hal maalin uusan tallaabo u qaadin Arrimaha Doorashada gaar ahaan qodobkii uu dhegnaa ee ahaa in dalka ay ka dhaceyso doorasho qof iyo Cod ah ee uu ka tanaasulay, isagoo xusay in dalka laga badbaadiyay muddo kororsi oo uu doonayay Madaxweynaha.

Sidoo kale C/raxmaan C/Shakuur ayaa carabka ku dhuftay in Madaxda maamul Goboleedyada uu ka raali-gelinayo hadal uu ugu yeeray inuu deelqaaf ahaa oo uu Madaxweyne Farmaajo ka sheegay munaasabadii ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.

”Heshiiska DF iyo D/goboleedyadu waa heshiis badbaadiyey dhibaato Soomaaliya kusoo wajahneyd xilliga kala guurka, Madaxda maamul goboleedyadana waxaan ka raalli-galineynaa hadaladii deel qaafka lahaa ee Madaxweynuhu ka sheegay munaasabadii lagu soo xirayay shirkii Muqdisho” ayuu yiri CC Shakuur”.

Comments
Loading...