Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaannada Awdhiigle, Bariire, Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda, howlgalka ayaa lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale gacanta lagu dhigay hub ay wateen.
Dhinaca kale, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay qarax ku burburiyeen Buundada deegaanka Bariire, si looga hor istaago isticmaalka gaadiidka ciidamada iyo gurmadka shacabka. Buundadan ayaa muhiim u ahayd isku socodka bulshada deegaanka iyo marinada ganacsiga ee gobolkaasi, maadaama ay xiriirin jirtay labada dhinac ee webiga ayna si gaar ah muhiim ugu ahayd beeraleyda deegaanka.
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay lagu khaarijiyay xubno muhiim ah oo ka tirsanaa Al-Shabaab, inkastoo uusan shaacin tirada rasmiga ah ee la dilay. Wuxuu sidoo kale caddeeyay in kooxda ay si ula kac ah u burburiyeen Buundada Bariire, taasoo lagu tilmaamay mid hoos u dhigi karta nolosha dadka deegaanka.