• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Saturday, June 28, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Bilan Media

BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.

Ilhaan by Ilhaan
May 10, 2025
in Bilan Media, Warar
Reading Time: 3 mins read
A A
BUUG AF-SOOMAALI AH OO LOO QORAY DADKA MAQALKA NAAFADA KA AH.
716
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Samiira Ducaale waa gabar Soomaaliyeed oo ku dhalatay kuna soo barbaartay dalka Ingiriiska (UK). Waxa ay ka mid tahay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waxa ay naafo ka tahay maqalka. Markii ay ku soo laabatay dalka, waxa ay si dhow uu la kulantay caqabadaha iyo baahiyaha ay la tacaalayaan ardayda maqalka naafada ka ah, kuwaas oo aan helin fursado waxbarasho oo la mid ah kuwa ay helaan ardayda kale ee aan naafada ahayn.

Samiira waxa ay si qoto dheer u baadhay caqabadahaasi, iyada oo si gaar ah uga dam-qatay in waalidiinta Soomaaliyeed badankood aysan aaminsaneyn in carruurtooda maqalka naafada ka ah ay waxbaran karaan, taas oo sababtay in carruurtaasi lagu hayo guryaha, iyada oo fursad kasta oo waxbarasho ka xiran tahay.

 

Labo sanno iyo bar ka hor,Samiira waxay go’aansatay in ay ka hadasho caqabadaha haysta dadka maqalka ka naafada ah, waxayna bilowday olole ay ugu hiillinayso ardaydaas. Waxa ay diyaarisay buug si gaar ah loogu talo galay baridda afka Soomaaliga iyada oo la adeegsanayo farsamada suul-dhabbaleynta (sign language).

Samiira waxay sheegtay in ay buuggaas la wadaagtay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya, si loogu daro manhajka rasmiga ah ee dalka.

“Waxaan u tegay Wasaaradda Waxbarashada, waxaanan u sharraxay fikraddayda iyo buuggan aan qoray iyo in loo baahan yahay in manhajka lagu darro.”

Iyada oo aan  helin taageero rasmi ah, haddana maanta Samiira waxay gacanta ku heysaa waxbaridda in ka badan afartan (40) arday oo maqalka naafo ka ah, kuwaas oo ay si bilaash ah waxa u barto. Waxay sheegtay in ay jiraan arday kale oo doonaya in ay waxbartaan, balse aysan awoodin in ay qabato, sababo la xiriira goobta waxbarasho oo aan ku filneyn iyo macallimiinta oo ku yar.

 

Sida ay noo sheegtay waxay jeebkeeda ka bixisaa mushaharka macallimiinta, kirada goobta waxbarashada, iyo qarashaadka gaadiidka ee ardayda guryahooda lagu geeyo.

Dhanka kale waxa ay sheegtay in buugga ay qortay xitaa qoysasku baran karaan si ay xidhiidh toos ah ula yeeshan ilmahooda maqalka naafada ka ah.

Samiira sido waxa waxa ay sheegtay in uu dhib weyn ka heyto isfahanka bulshada iyo la xiriirkooda.

“Dhibku wuxuu ka jiraa meel kasta oo bulshadu isugu timaaddo. Ma jiro turjubaan,waana muhiim in la helo qof fahmaya dadka maqalka naafada ka ah,  sida maxkamadaha, saldhigyada booliska, baarlamaanka, iyo qaybaha kale ee bulshada.”

Farhiya Muraad, Bilan Media

Previous Post

U.S. Criticizes Outcomes of Somalia’s National Consultative Council Meeting

Next Post

India Labels Pakistan Drone Attacks a “Dangerous Escalation of Hostilities”

Ilhaan

Ilhaan

Related Posts

Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal
Caalamka

Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal

June 28, 2025
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud
Warar

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud

June 28, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Maamuus ah Dhigay Taallada Dhagax-Tuur
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Maamuus ah Dhigay Taallada Dhagax-Tuur

June 26, 2025
Puntland iyo Jubbaland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya
Warar

Puntland iyo Jubbaland oo Eedeyn Kulul U Jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya

June 26, 2025
DFS oo Heshay Taageero Maaliyadeed oo Ka Socota Midowga Yurub
Warar

DFS oo Heshay Taageero Maaliyadeed oo Ka Socota Midowga Yurub

June 26, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo garawshiyo ka bixiyay wixii ku dhacay dadka Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland

June 26, 2025
Next Post
India Labels Pakistan Drone Attacks a “Dangerous Escalation of Hostilities”

India Labels Pakistan Drone Attacks a “Dangerous Escalation of Hostilities”

65 Years of Freedom: Interior Minister Leads Security Inspection Ahead of Somalia’s National Festivities

65 Years of Freedom: Interior Minister Leads Security Inspection Ahead of Somalia’s National Festivities

by Gesey Liban
June 28, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – As the nation readies itself for the dual milestones of June 26th and July 1st, commemorating Somalia’s...

Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal

Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal

by Ilhaan
June 28, 2025
0

Dowladda Rwanda iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa magaalada Washington ee caasimadda Maraykanka ku kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud

by Ilhaan
June 28, 2025
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa kormeer ku tagay deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo...

General Sahal Visits Masaajid Ali Gaduud to Boost Anti-Al-Shabaab Offensive

General Sahal Visits Masaajid Ali Gaduud to Boost Anti-Al-Shabaab Offensive

by Gesey Liban
June 28, 2025
0

Middle Shabelle, SOMALIA – The Commander of the Somali National Army’s Ground Forces, General Sahal Abdullahi Omar, paid a high-level...

65 Years of Freedom: Interior Minister Leads Security Inspection Ahead of Somalia’s National Festivities
English News

65 Years of Freedom: Interior Minister Leads Security Inspection Ahead of Somalia’s National Festivities

June 28, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal
Caalamka

Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal

June 28, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud
Warar

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud

June 28, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
General Sahal Visits Masaajid Ali Gaduud to Boost Anti-Al-Shabaab Offensive
English News

General Sahal Visits Masaajid Ali Gaduud to Boost Anti-Al-Shabaab Offensive

June 28, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Rwanda and DR Congo Sign Historic Peace Agreement in Washington Amid U.S. Strategic Interests
English News

Rwanda and DR Congo Sign Historic Peace Agreement in Washington Amid U.S. Strategic Interests

June 28, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia and Algeria Forge Strategic Labor Partnership at Arab Forum for Equality
English News

Somalia and Algeria Forge Strategic Labor Partnership at Arab Forum for Equality

June 27, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • 65 Years of Freedom: Interior Minister Leads Security Inspection Ahead of Somalia’s National Festivities
  • Rwanda iyo Congo oo Heshiis Taariikhi ah Ku Saxiixday Washington si Looga Gudbo Colaadda Dheer ee Labada Dal
  • Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Kormeer Ku Tegay Deegaanka Masaajid Cali Gaduud
  • General Sahal Visits Masaajid Ali Gaduud to Boost Anti-Al-Shabaab Offensive

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00