HomeWararBurundi oo sheegtay inaysan door Hoggaamineed ku dhex lahayn Taliska AMISOM.

Burundi oo sheegtay inaysan door Hoggaamineed ku dhex lahayn Taliska AMISOM.

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka ee dalka Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye iyo Alalin Gulliaume Bunyoni ayaa ku goodiyey inay Ciiddankooda Nabad-ilaalinta kala soo bixi doonaan dalalka Somalia iyo Afrikadda Dhexe. Labada Wasiir waxay arrintaasi ku sababeeyeen arrimo la xiriira Hoggaaminta, iyagoo tilmaamay inaysan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax Darajo Hoggaamineed ku dhex […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiiradda Gaashaandhigga iyo Amniga Qaranka ee dalka Burundi, Emmanuel Ntahomvukiye iyo Alalin Gulliaume Bunyoni ayaa ku goodiyey inay Ciiddankooda Nabad-ilaalinta kala soo bixi doonaan dalalka Somalia iyo Afrikadda Dhexe.

Labada Wasiir waxay arrintaasi ku sababeeyeen arrimo la xiriira Hoggaaminta, iyagoo tilmaamay inaysan Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM wax Darajo Hoggaamineed ku dhex lahayn AMISOM.

- Advertisement -

“Ciiddanka Burundi xilal Hoggaamineed lagama siinin Hawlgalka AMISOM, waxaa kaloo jira dhibaato kale oo ku aadan sidii Ciiddanka Burundi si toos ah mushaarkooda loogu shubi lahaa Xisaab-lacageedkooda” ayuu yiri Wasiirka Difaaca ee dalka Burundi.

Waxa kale oo uu sheegay in Tallaabadda Ciiddanka Burundi looga soo saarayo Somalia u baahan tahay in Wada-xaajood lagala yeesho Ururka Midowga Afrika, Muwaadiniinta iyo Barlamaanka Burundi.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu sheegay inaysan Ciiddankooda jooga Somalia helin wax mushaar ah, kadib, markii ay Midowga Europe joojiyeen Mushaarkaasi.

- Advertisement -

Xiisadda ayaa ka dhalatay, kadib, markii Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza markii 3-aad  loo doortay Madaxweynaha dalkaasi bishii April ee sannadkii hore, waxayna tallaabadaasi abuurtay inay Dowladah Midowga Europe Taageeradii Dhaqaale ee ay siin jireen Dowladda Burundi iyo Ciiddankooda ka jooga dalka Somalia.

 ©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts