Bulshada soomaaliyeed ayaa wajahayeey Sannadihii u danbeyeey abaaro iyo fatahaado soo laalabtay, taas oo loo sababaynayo isbeddelka cimiladda. Bulshada ayaa la daala dhacda masiibooyinka dabiiciga ah ee sida joogtada ah uga dhaca deegaanada, haddaba wacyi gelinta ay samayso Hay’adda Maraynta Maasiibooyinka (SODMA), ma ku baraarugsan yihiin? Haddii ay ka war qabaana si dhab ah ma u qaataan oo ma ka digtoonadaan khataraha lagu soo war geliyo?
Si aan u ogaano aragtidda iyo jawaabaha bulshada Soomaaliyeed ayaan wax ka wayddinay shacabka magaaladda. Muqdisho ku nool. Xaliimo Maxamuud Axmed oo ka mid ah ganacsatada iibisa dhuxusha ayaa dhahday;
“Waxa aamiinsanahay waxa uu Allah keeno in ay dhacayaan, mararka qaar waxa dhici karta in ay fariimaha la soo diraa run noqdan. Dadkayaga wawayn oo aan anigu ka mid ahay ma naqaano qaabka loo isticmaalo faysbuugga iyo baraha bulshada, carruurtayda ayaan dhahaa, “ii fiiriya waxa la sheegay”, waayo anigu wax ma akhriyo.”
Axmed Cabsiiye oo ka mid ah dhallinyarta ka faaloota arrimaha deegaanka ayaan wax ka wayddiinay sida ugu haboon ee bulshada loo gaarsiin lahaa waciygelinta ku aadan masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca gobbolada dalka.
“ Ha’ayaddu fariimaha uma gaarsiinso sidii la rabay bulshada, in kasta oo ay hadda fiican tahay habka ay fariimaha so dhigaan baraha bulshada ee feysbuugga iyo aaladdaha kale. Muuqaalo ayaa ay dubaan, war baahinta kala duwan ayaa ay casuuman, Tv yada ku baahiyaan. Blase dadka reer miyaga/baadiyaha ma gaadhan ayaa is wayddin mudan. Ha’ayadda SODMA waxa aaminsanahay in ay u bahan tahay in wax badan lagu daro farriimaha waxa inta badan heli karo dadka magalada jooga ee haysta intarneedka iyo TV yada”
Si aan wax uga ogaano habka ay SODMA u wacyi geliso bulshada iyo meelaha ay u mariso waxa aan wax ka wayddiinay maamulka ha’ayadda. Cabdiqaadir Cumar Xuseen oo ah , ku simaha Agaasimaha Waaxda Maareynta khataraha dalka.
“Inta badan waxa aan sameynaa wacyi gelino looga wacyi gelinayo khataraha soo socda iyo waxa laga cabsi qabo sida, duufaantu oo kale. Duufaantu waxa ay leedahay waddo ay soo marto iyo abuuran, marka ay soo abuuranto ayan fiirinaa jihada ay ku aadan tahay si aan bulshada ugu sheegno. Bulshada waxa aan siina fursad ay xaaladda markas ku soo wajahan ay uga bad baadi karaan. Fariimaha wacyi gelinta bulshada waxa aan u marina meelo kala duwan sida, warbaahinta iyon baraha bulshada .
Wariye Shukri Mohamed Abdi……………….Bilan Media