Bukaan ku nool London oo noqday qofkii labaad ee laga nadiifiyey Fayriska Cuddurka AIDS-ka

Professor Ravindra Gupta oo ah  Khabiir ku takhasusay  HIV Biologist ayaa xaqiijiyey in Bukaan Reer London noqday qof laga nadiifiyey Cuddur-sidaha HIV ee Cuddurka AIDS-ka.

Professor Ravindra Gupta oo ah Dhakhtarka Bukaanka laga nadiifiyey HIV AIDS-ka ayaa sheegay inaysan haba yaraate wax Virus ah oo ku jira dhiigga Bukaankaasi oo muddo 3 sanno ah lagu waday Daaweyn la xiriirta ka-soo-kabashadda Cuddurkaasi.

Dhakhtarka oo hoggaaminayey Koox Dhakhaatiir ayaa waxay daaweeynayeen Bukaankaasi, wuxuuna sheegay inkastoo ay daaweeyeen, haddana inaysan oran karin waa lagu wada guuleystay daaweyntiisa oo qaadatay muddo 3-sanno ah, si uu Jirkiisa difaac ugu yeesho inuu dhiigga ka nadiifiyo Viruska keena AIDS-ka oo aan weli loo helin  daawo rasmi ah, marka laga reebo kuwo lagu xakamaynayo khatartiisa.

Dhinaca kale, Bukaankii u horreeyey ee Calaamka ee loo aqoonsan yahay in laga daaweeyey Virus-ka AIDS-ka waxa uu dhashay Maraykanka.

Bukaankaasi oo lagu magacaabo Timothy Brown waxa uu daaweyn  noocaasi ah ayaa waxa uu ku qaatay dalka Jarmalka sannadkii 2007-dii.

Labadaasi Bukaan waxay heleen Unugyo lafta dhuuxa ee dhabarka oo loogu deeqay oo loo yaqaano CCRS delta 32” oo awood u leh iska-caabinta Fayriska HIV-ga.

Dhakhaatiirta waxay horey ugu fashilmeen Isku-adyo ay ku doonayeen inay Bukaano kale kaga daaweynaan Cuddur-sidaha HIV AIDS-ka.

Si kastaba ha ahaatee, Warbixintaasi oo maanta lagu soo daabacay Wargeyska lagu magacaabo “The Journal Nature” ayaa waxa uu rajo gelin karaa Malaayiin qof oo la daalla-dhacaya Cuddurka AIDS-ka, iyadoo Tiro-koob la sameeyey sannadkii 2017-kii lagu sheegay in guud ahaan Caalamka 36.9 million oo qof  ay haatan la nool yihiin Cuddurka Khatarta ee AIDS-ka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media