Britain oo Xarun lagu tababaro Ciiddamada ka furtay Somalia

Britain waxay so rasmi ahaan Xero lagu tababarayo Ciiddanka Somalia ka fureen magaalladda Baydhabo, sida lagu sheegay Hadal ka soo baxay Safaaradda Britain ku leedahay magaalladda Muqdisho.

Xeradaasi ayaa la furay, xilli ay Ciiddanka Somalia isku diyaarinayaan inay Hawlgalka AMISOM kala wareegaan mas’uuliyadda Ammaanka Somalia.

Qoraal ka soo baxay Safaaradda Britain ayaa lagu sheegay inay Xarunta cusub taageero ka geysan doonto horumarinta Awoodda Ciiddanka Ammaanka iyo in lagu dhiiri-geliyo Ammaanka xilliga dheer ee Somalia.

Daad-gureynta Ciiddanak AMISOM ayaa la filayaa inay bilaabanto bisha October ee sannadkan, waxaana la filayaa inay AMISOM si buuxda uga wada baxaan Somalia bisha December ee sannadka so osocda 2020-ka, iyagoo Ciiddanka Qaranka Somalia la wareegi doonaan mas’uuliyadda guud ee Ammaanka iyo Deganaanshaha Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media