Britain oo ku baaqday Magacaabista Ergayga Cusub ee Qaramada Midoobay ee Somalia

Danjiraha Dowladda Britain uga wakiilka ah Golaha Ammaanka ee QM,Karen Pierce oo ka hadashay Kulan ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen Arrimaha dalka Somalia ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsaha badan loo magacaabo Ergayga Khaaska ee Xoghayaha Guud ee QM ee Arrimaha Somalia, si loo soo celiyo wada-shaqaynta QM iyo DFS.

Waxay intaasi ku dartay inay DFS ka fekerayso magacaabista Ergayga Cusub, isla markaana ay arrintaasi tahay mid aad lo osoo dhaweynayo.

Danjiraha Dowladda Britain u joogta Golaha Ammaanka ee QM, Karen Pierce waxay kaloo ka hadashay muhiimadda Wada-shaqeynta DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, iyadoo xustay inay Mamaul-gobaleedyadda doonayaan inay noqdaan Wadnaha deganaanshaha iyo Barwaaqadda Somalia.

Waxay sii raacisay inay arrintaasi aad muhiim u tahay inay wada-xaajoodyo caadi oo wax dhisaya uu dhex maro DFS iyo Maamul-gobaleedyadda, gaar ahaan Arrimaha Dib-u-egista Dastuurka, Sharciyadda doorashadda, dhamaystirka Heshiiska Ammaanka iyo Qorshaha Xilliga Kal-guurka.

Waxay kaloo sheegtay in horumar laga gaaray Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Dib-habaynta Hay’addaha Ammaanka ee Somalia.

Dhinaca kale, Ambassador Karen Pierce waxay sheegtay inay Dowladda Britain soo dhaweynayso dadaalka lagu bixinayo cusbooneysiinta Awoodaha Ciiddanka AMISOM ee hawlgalka ka wada Somalia.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media