Britain oo ku baaqday inaan ciiddanka Kenya laga soo daad-gureynin gudaha dalka Soomaaliya

Danjiraha Britain uga  wakiilka ah dalka Kenya, Christian Turner ayaa sheegay  inaysan Dowladiisa taageersanayn in ay Ciiddanka ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM laga soo daad-gureeyo dalka Somalia.

Danjiraha ayaa hadalkaasi ku  sheegay Wareysi uu siiyey Telefishinka KTN ee ku yaalla magaalladda Nairobi, wuxuuna xusay inaysan daadgureyntooda xalin doonin cabsida ay Kenyaatiga ka qabaan Xarakadda Alshabaab.

Danjiraha waxa uu tilmaamay inaysan  weeraradda ay Alshabaab  ka geystaan Kenya sabab u ahayn joogitaanka ciiddanka Kenya, wuxuuna weeraradaasi ku tilmaamay mid ku salaysan Aydhoolajiyad, waa sida uu hadalka u yiri.

“Sababaha xag-jirnimadda keenayo waa mid aad u dhib badan” ayuu yiri Danjiraha Britain uga  wakiilka ah Kenya.

Dhinaca kale, Ambaasador Christian Turner waxa uu tilmaamay inaan  awood  Milliteri looga guuleysan Karin Dagaalka ka dhanka waxa loogu yeero Argagixisadda, wuxuuna ku taliyey in iskaashi lala  sameeyo dadka rayidka.

Danjiraha waxa uu xusay inay Dowladiisa sii wadayso taageeradda ay Dowladda Kenya ka siiyaan La-dagaalanka kooxaha loogu yeero Argagixisadda, wuxuuna dhaliilay musuqa hareeyey Xukuumadda iyo Hay’addaha Ammaanka Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor