Boris Johnson oo Mareykanka ka dalbaday inuu Diyaarado Dagaal siiyo Ukraine

Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK, Boris Johnson ayaa hadalkaasi ku sheegay Khudbad uu ka jeediyey Golaha The Atlantic Council ee ku yaalla magaalada Washington.

Waxa uu ugu baaqay Dowladda Maraykanka inay Ukraine siiyaan dhamMaan Hub ay codsadeen, oo ay ku jiraan Diyaaradaha Dagaalka, Taangiyada iyo Madaafiicda Ridada Dheer (long-range artillery).

“Ukraine  siiya Nidaamka Gantaalada ridada dheer, siiya Taangiyo, Diyaarado, waayo waxay leeyihiin Qorshe, weyna og yihiin waxa ay samaynayaan” ayuu yiri RW hore ee UK.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee UK ayaa waxa uu intaasi ku daray inay Ukraine u baahan yahay inay dib u Kontoroolaan dhulka buundada ee Badda Azov oo ay Ciidanka Ruushiyaanka haatan gacanka ku hayaan.

Boris Johnson ayaa waxa uu intaasi ku daray in Ciyaarta Putin la soo af-jari karo, haddi ay Ukraine dib u qabsadaan magaallooyinka Melitopol, Berdiansk iyo Mariupol.

Hadalka Boris Johnson waxa uu ku soo beegmay maalmo kadib, markii uu sheegay inuu Madaxweyne Putin isaga ugu hanjabay inuu Madfac ku dili karo daqiiqado gudaheeda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor