Boqortooyada Sacuudiga oo u yeertay RW Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa la filayaa in maalmaha soo socda safar ku tagaan dalka Sacuudi Carabiya.

Wararku waxaa ay sheegayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo RW Rooble ay ku wajahan yihiin Dalka Sacuudiga,kaddib markii sida la sheegay ay martiqaad ka heleen Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in Dowladda Sacuudigu ay Madaxda uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaaraha ay qaabili doonto, lamana shaacin ujeedka rasmiga ah ee safarkooda hayeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda Sucuudiga ay qorsheyneyso dib u soo celinta xirriirka Soomaaliya oo aad aad u xumaa afartii sano ee la soo dhaafay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor