Boqorka Sacuudiga oo Madaxweyne Farmaajo ugu hambalyeeyey Maalinta Xorriyadda Qaranka Soomaaliya

U-adeegaha Labada Masjid ee Xaramaynka, ahna Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/Casiis Al-sacuud waxa uu Dhambaal Tahniyad ah u soo diray Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey Munaasbadda Maalinta Xorriyadda Somalia oo ku beegan berrito oo taariikhdu tahay 1-da Luulyo.

Boqor Salmaan  oo ku hadlayey magaca Dadka iyo Dowladda dalkiisa waxa uu Madaxweyne Farmaajo u rajeeyey Caafimaad iyo Farxad iyo inay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed  ku waaraan Nabad iyo Deganaansho.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyadda Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ahna ku-xigeenka Golaha Wasiiradda iyo Wasiirka Difaaca waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u soo diray Madaxweyne Farmaajo oo uu ugu hambalyeeyey Munsasabadda Maalinta Xorriyadda Somalia oo ku beegan  1-da Luulyo.

Dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan waxa uu u rajeeyey Madaxweyne Farmaajo caafimaad iyo farxad iyo inay Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed ku waaraan Ammaan iyo Deganaansho buuxda.

Dowladda Sacuudiga waxay ka mid tahay Dowladaha Carbeed ee had iyo jeer Taageeradda Walaaltinimo la garab taagan Dowladda iyo Dadka Soomaaliyeed.

Xigasho: Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media