Boqorka Sacuudiga oo booqasho shaqo iyo dalxiis ku tegi doona dalka Indonesia.

Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa la filayaa inuu bisha soo socdo ee Maarso 1-d booqdo Caasimadda dlkaasi ee Jakarta iyo Jesiiradda loo dalxiis tago ee Bali.

Saraakiisha dalka Indonesia ayaa sheegy inay Boqorka socdaalkiisa ku wehlin doonaan 1,500 oo qof oo 10 ka mid Wasiiro yihiin, wuxuuna booqasho 6 maalmood ku nasan doonaa Jesiiradda Baali.

Boqor Salmaan waxa uu Kulan la yeelan doonaan Madaxweynaha Indonesia, Joko Widodo, iyagoo kala saxiixan doona Maalgashi ay ku kici doonto 25 Billion oo Dollar.

Dowladda Indonesia waxay horey u joojisay Shaqaalaha Haweenka ee ka xoogsada dalka Sacuudiga, kadib, markii 2 haween u dhalatay dalkaasi lagu dilay Sacuudiga sannadkii 20115-kii.

Dhinaca kale, Booqashadii ugu dambeysay ee uu Boqor la taliya Sacuudiga ku tago dalkaasi ayaa dhacday 46 sanno ka hor, kadib, markii uu Boqor Faysal Bin C/casiis booqday dalkaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media