Boqorka Sacuudiga oo Amiirka Qatar ku casuumay Shirweynaha Madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka

Wakaalladda Wararka Qatar ee Qatar News Agency ayaa sheegtay inuu Amiir Tamiim Bin Xamad Al-thaani uu casuumaad ka helay Boqorka dalka Sacuudiga, Salmaan Bin C/caasiis, si uu uga soo qeyb galo Shirka Madaxda Golaha Iskaashiga Khaliijka ee GCC, kaasi oo bishan 9-da ka dhici doona caasimadda Sacuudiga ee Riyadh.

Barta Twitter-ka ee Wakaalladda Wararka ee QNA ayaa lagu shaaciyey Casuumaadaasi, inkastoo aysan Wakaalladdu sheegin inuu Amiirka Qatar oggolaaday Ka-qeybgalka Shirkaasi oo la filayo inay ka soo qeyb galaan Hoggaamiyayaasha 6-da Waddan ee xubnaha ka ah Golaha GCC.

Xiriirkii Diplomaasiyadeed ee Sacuudiga iyo Qatar waxa uu xumaaday bishii June ee sannadkii hore ee 2017-kii, kadib, markii ay Dowladda Sacuudiga xirtay dhamaan Xuduudaha berriga, badda iyo Hawada ee ay la lahaayeen dalka Qatar.

Shirkii ugu dambeeyey ee Madaxda GCC waxaa sannadkii hore lagu qabtay dalka Kuweyt, iyadoo Amiirka Qatar ka qeyb galay, inkastoo ay dowladaha Sacuudiga,  Imaaraadka iyo Baxrayn ay Kulankaasi uga qeyb galeen Wasiiro iyo Ku-xigeeno Ra’isul-wasaarayaal.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor