Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in boqolaal qoys oo ka soo barakacay dagaallo dhowaan ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo ay soo gaareen qeybo ka mid ah gobolka Bay, iyagoo u baahan gurmad degdeg ah.
Barakacayaashan, oo u badan haween, caruur, iyo dad da’ ah, ayaan heysan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, sida hoy, cunto iyo biyo nadiif ah, waxaana xaaladooda lagu tilmaamay mid halis ah. Sida uu maamulka sheegay, degmada Bardaale ee gobolka Bay ayaa ah halka ugu badan ee qoysaskan ay gaareen, iyagoo wajahaya dhibaatooyin adag.
Maamulka degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in xaalado bani’aadannimo oo daran ay ka jirto halkaas, isagoo sheegay in baahi weyn loo qabo gargaar iyo taageero. “Dadkani waxay wajahayaan xaalad adag oo ka dhalatay colaad iyo barakac. Waa inaan si degdeg ah wax uga qabanno arrinkan,” ayuu yiri guddoomiyaha.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa baaq u diray hay’adaha gargaarka iyo madaxda dowladda Soomaaliya, iyagoo ugu yeeray inay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan barakacayaashan si loo badbaadiyo noloshooda. Sidoo kale, waxay bulshada Soomaaliyeed ugu baaqeen inay kaalmo iyo gargaar u fidiyaan walaalahooda dhibaateysan.
Dagaallada ka socda qeybo ka mid ah dalka ayaa horseeday barakac ballaaran, iyadoo qoysas badan ay waayeen hoygoodii iyo hab-nololeedkoodii, taasoo abuurtey xaalado bani’aadannimo oo sii kordhaya.