699 qof oo lagu dilay Xasilooni-darradda ka aloosan dalka Ethiopia.

699 oo qof ayaa la sheegay in lagu dilay tan iyo bishii August ee sannadkii hore, sida lagu sheegay Warbixin ay soo saareen Guddiga Xuquuqda Aadanaaha Ethiopia oo ay Dowladda Ethiopia u xil-saartay Tiro-koobka dadkii lagu dilay Rabshadihii ka dhacay qeybo ka mid ah dalkaasi.

Guddiga waxay sheegeen in ka badan 900 oo qof la dilay tan iyo markii ay rabshadahaasi bilowdeen dabayaaqadii sannadkii 2015-kii.

Guddoomiyah Guddigaasi, Addisu Gebregziher oo la hdly Baarlamaanka dalkaasi waxa uu  Kooxha Mucaaradka ku eedeeyey inay ka dambeeyeen hurinta Dibadbaxyaddaasi, isla markaana ay qaar ka mid ah Dibadbadbaxayaasha ahaayeen dad hubeysan.

Waxa kale oo uu tilmaamay inay Ciiddanka Ammaanka ka fursan waayeen inay iyagana rasaas u adeegsadaan dadka rabshadaha ka dhigay Goballadda ay deggaan Qowmiyadaha Oromada, Amxaarada iyo Goballadda SNNP.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media