Boqolaal Muhaajiriin oo lagu qabtay howlgal laga sameeyay xeebaha

Hay’adda Muhaajriinta Caalamka ee IOM ayaa sheegtay inay Ciiddanka Ilaaladda Xeebaha Liibiya ay qaadeen Hawlgalo lagu soo qabtay in ka badan Kun Muhaajiriin 48-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Qoraal ay Afhayeenada IOM uga wakiilka ahj dalka Libiya, Safa Masahli soo dhigtay Barteeda Twitterka ayey ku sheegtay in ka badan Kun Muhaajiriin laga hor-joogsaday inay Doonyo kaga tahriibaan Xeebaha Libiya, kuwaasi oo qorshahoodu ahaa inay u socdaalaan Xeebaha Talyaaniga.

Afhayeenada ma aysan shey.egin Dalalka ay ka soo kala jeedaan Muhaajiriinta laga soo qabtay Xeebaha dalka Libiya ee labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Waddanka Libiya waxa uu marin muhiim u yahay Tahriibayaasha ka soo kala jeeda dalalka Afrikaanka iyo shisheeyaha kale ee doonaya inay u sii tahriibaan Xeebaa Dalalka Europe,si ay Nolol iyo Dhalasho uga helaan dalalka ay iska dhiibaan ama ay ka helaan Magangelyada Qaxootinimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor