Boqolaal Duullimaad oo ku degi lahaa Garoonka Diyaaradaha London oo la baajin doono

Garoonka Heathrow ee magaalladda London ayaa waxaa saamayn doonta Shaqo-joojin ay Kumanaan shaqaale ah ku dhaqaaqi doonaan maalmaha soo socda.

Ilaa 172 Duullimaad oo maalmaha Isniinta iyo Talaadada ku degi lahaa Garoonkaasi ayaana la shaaciyey in la joojiyey, sababo la xiriira shaqo-joojin shaqaalaha Diyaaradaha ee dalkaasi.

Xubnaha Ururka Midowga Shaqaalaha waxay si xooggan ugu gacan sayrreen soo-jeedin la xiriiirta in 7.3% loo kordhiyo Mushaarka.

Mas’uuliyiinta Garoonka Heathrow oo ah kan ugu mashquulka badan Caalamka waxay ka codsadeen Shirkadaha Diyaaradaha inay dib u diiwaan geliyaan Rakaabka ku qoran Duullimaadyadda maalmahaasi, iyadoo Rakaabka lagu taliyey inay la xiriiraan Shirkadaha si ay u helaan wararka ugu dambeeya ee jadwalka Duullimaadkooda maalmaha ay shaqo-joojinta socdaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media