Boqol carruur oo ku hoos xayiran burburka Dhismo Dugsi ku yaalla Nigeria

Dhismo Dugsi Hoose oo ku yaalla magaalladda Laagoos ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu soo dumay, waxaana laga cabsi qabo inay boqol Arday iyo dad kale ku hoos xaniban yihiin burburka Dhismahaasi.

Kooxaha Gurmadka ayaa la sheegay inay weli ku hawlan yihiin sidii loo soo badbaadin lahaa dadka ku hoos xaniban Dhismaha Dugsiga oo ka koobnaa 3 dabaq.

Afhayeenka Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka ee dalkaasi, Sani Datti oo la hadlay Wakaalladda Wararka AP ayaa sheegay inay Saraakiisha iyo kooxaha gurmadka ku hawlan yihiin sidii dad nool looga soo saari lahaa burburka dhismahaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media