Booliska Soomaaliya oo Soo bandhigay Eedeeysane la sheegay inuu dad shacab ah dhac u gaystay

Abaare 14:14 duhurnimo shalay ayaa  Degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Octobar lagu dhacay dukaan lagu magacaabo Gaashaan 2, sida Baraha Bulshada ku baahay waxaa dhaca geystay edeysaneyaal ku la bisan dhar Ciidan.

Muqaalka falka dhaca ahaa oo ku baahay baraha Bulshada, ayaa u suurta gashay Saldhiga Boliiska Degmada Hodon inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha 1-aad oo hubka lagalay dukaanka dhacayna muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wallow, Kuwii kale lagu raadjoogo sida say sheegeen Booliska Soomaaliya.

Cadadka teleefoonada ah ee lagu eedeyay ayaa ahaa ilaa 3 mobail oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.

“Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo” ayaa lagu yiiri Qoraalka Booliska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor