HomeWararBooliska Soomaaliya oo Shaqada ka Eryay Askar Maalin Soon ah Balwad Isticmaashay

Booliska Soomaaliya oo Shaqada ka Eryay Askar Maalin Soon ah Balwad Isticmaashay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa Bulshada la wadaagay xogta iyo sawirada labo Askari, kuwaasi oo shaqada Ciidanka laga eryay,kadib markii lagu eedeeyay falal kala duwan oo ka fog anshaxa Ciidanimo. Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdi Saaq  Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed laga ruqseeyay shaqadii Ciidanimo ee ay hayeen. Waxaana Qoraal kasoo […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Boliiska ayaa Bulshada la wadaagay xogta iyo sawirada labo Askari, kuwaasi oo shaqada Ciidanka laga eryay,kadib markii lagu eedeeyay falal kala duwan oo ka fog anshaxa Ciidanimo.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in Cabdi Saaq  Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed laga ruqseeyay shaqadii Ciidanimo ee ay hayeen.

- Advertisement -

Waxaana Qoraal kasoo baxay Taliska lagu sheegay in shaqada laga eryay Cabdi Saaq  Aadan Calasoow iyo Cabdullahi Maxamed Axmed  kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah  bulshada dhaxdeeda  balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro”.

War ka soo baxay taliska ayaa lagu yiri” Waxaa lagu wargalinayaa Hay’adaha Amaanka Caasimadda iyo shacabka ku nool Caasimadda, in Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed laga ruqseeyay labada askari oo magacooda iyo sawirkooda hoos ku xusanyihiin, ayadoo loo cuskanayo xeerka Ciidanka Boliiska, kadib markii ay ku kaceen fal akhlaaq-daro iyo anshax xumo ah, ayna jabiyeen waajib diini ah kadib markii ay maalin soon ah  bulshada dhaxdeeda  balwad iyo cuno xaaraam ah ku dhex cuneen , ayadoo aysan jirin sabab Caafimaadaro”.

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts