HomeWararBooliska oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qaraxii uu ka badbaaday Farxaan...

Booliska oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay Qaraxii uu ka badbaaday Farxaan Qaroole

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax xalay  uu ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Qaroole, kaasi lagula eegtay duleed Magaalada Muqdisho. Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino  laamiga dhinaceeda lagu aasay ay qaraxday, xili Taliye Farxaan […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qarax xalay  uu ka badbaaday Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Qaroole, kaasi lagula eegtay duleed Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxa oo ahaa miino  laamiga dhinaceeda lagu aasay ay qaraxday, xili Taliye Farxaan uu socdaal ku marayey wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

- Advertisement -

Afhayeenka ayaa waxaa uu sheegay in qaraxa uu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad isugu jiray Askar iyo shacab ah, wuxuuna xaqiijiyay in qaraxa uu ku dhintay hal qof oo shacab ah, halka 8 qof kalena oo saddex kamid ah yihiin Ciidanka Booliska ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo la geeyay Isbitaalo.

Wuxuu intaas kusii daray Afhayeen Cabdititaax in Taliye Farxaan Qaroole uu nabad qabo, isla markaana uu ka badbaaday qaraxaas, isagoo xusay in Taliyaha xiligii la qarxinaayay uu ka yimid kormeer shaqo oo u aaday baro Koontaroolo oo Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Taliye Farxaan Qaroole ayaa xiligii la qarxinaayay ka yimid deegaanka Calamada oo gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad, wuxuuna halkaas Taliyaha u tegay xalinta kiiska dilka ah ee dhacay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts