Booliska oo gacanta kusoo dhigay Ninkii dilay Gabadhii ku baastay Imtixaankii Dowladda

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay  Nin la sheegayn inuu habeen kahor dil u geystay  gabar lagu magacaabi jiray Hibo Qaasim oo kamid aheyd ardaydii ku baastay Imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare.

Ciidamada Booliska ayaa howlgal saacado badan qaatay kadib gacanta kusoo dhigay Ninka dilka geystay oo lagu magacaabo Jeylaani, isla markaana muuqaal laga duubay ku qirtay inuu Hibo ku dilay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Ninka ay Booliska soo bandhigeen ayaa sheegay inuu doonayey in marxuumad Hibo Qaasim uu ka dhaco Telefoon gacanta ah oo ay wadatay, xilligaas, uuna ku dilay meel aad sidaas uga fogeyn hoygeeda, kadibna uu goobta si dhaqsi ah uga baxsaday.

Saraakiisha Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas kusii daray in soo qabashada Ninka ay ka caawiyeen dadka degaanka Ceelasha Biyaha, iyagoona tilmaamay in Ninkaas sharciga la horgeyn doono.

Dilka gabadhan ardayada aheyd ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday baraha bulshada, waxaana si weyn uga fal-celinayey dad farabadan oo aad uga xumaaday dhacdadan, Hibo ayaa dorraad u dabaal dagtay natiijada Imtixaanka dugsiga sare oo ay ku baastay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor