Booliska oo gacanta ku dhigay Burcad Hubaysan oo dhac ka weday Xaafado ka tirsan Muqdisho

Ciidamada Boliiska degmada Yaaqshiid ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo Hubeysan kuwaas oo taliska boliisku sheegay in ay ahaayeen Burcad dadka dhacaysay.

Howgallo ay Ciidanku ka sameyeen degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay gacanta kusoo dhigeen labo burcad ah oo sida Boolisku ay sheegeen dhibaato ku hayay dadka degaanka,gaar ahaan degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaaadir.

Taliska Boliiska Gobolka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in raggaan la qabtay iyaga oo fal dambiyeed gacanta kula jira,isla markaana sharciga la horgeynayo.

Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ay wadeen howgallo ay ku baadi goobayaan kooxo falal amni darro ka wada degmooyinka Caasimadda,waxaana ay soo bandhigeen kooxo u badan Ciyaal Weero.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor