Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ee caasimadda Muqdisho ayaa howlgal ballaaran oo amniga lagu sugayo ku soo qabtay 10 eedeysane oo lagu eedeeyay falal isugu jira dil, dhaawac, iyo dhac ay ka gaysteen degmooyin kala duwan oo ka tirsan caasimadda. Eedeysanayaashan ayaa si gaar ah ugu lug lahaa tacaddiyo ka dhan ah shacabka, kuwaas oo walaac weyn ku abuuray bulshada ku nool Muqdisho.
Saraakiisha booliska ayaa sheegay in baaritaanno lagu hayo eedeysanayaasha, waxaana la horgeyn doonaa cadaaladda si loo marsiiyo ciqaabta sharciga waafaqsan. Maamulka booliska ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in howlgallada noocan ah ay qayb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo amniga caasimadda, lagana hortagayo kooxaha isku daya inay dhibaatada ku sii fidiyaan Muqdisho.
Boolisku waxay ugu baaqeen shacabka ku nool Muqdisho in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, iyagoo ku dhiirrigelinaya in ay soo sheegaan cidkasta oo amniga lidi ku ah. Waxa la xasuusiyay in xafiiska Gurmadka ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee laga heli karo lambarka degdega ah 991 uu mar walba u diyaar yahay in uu ka jawaabo warbixinada ku saabsan amniga.
Waxaa la filayaa in tallaabooyinka cusub ee ay boolisku qaadaan ay sare u qaadi doonaan nabadgelyada caasimadda, iyagoo markasta ku dedaalaya in ay shacabka ka difaacaan dambiilayaasha iyo kooxaha argagixisada ah.