Booliska oo amar Culus dul dhigay Mooto Bajaajta, digniinna u diray Ciidanka hubka la dhex-socda Magaalada

Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in ay soo gaba-gabeeyeen wajigii 1aad ee howl-galladii dhawaanahaan ay ka wadeen magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, kuwaasi oo lagula dagaalamayay kooxa dhibaateeya dadka shacabka ah.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo goordhawyed Shir ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ay soo af-jareen wajiga koobaad ee howgaladii ay wadeen, waxaana sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo Burcad ah oo dadka dhibaateyn jiray.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in Booliska Soomaaliya ay gacantta kusoo dhigeen maandooriye kala duwan iyo dadkii ka ganacsanayay, kuwaasi oo uu sheegay in ay haatan gacanta ku hayaan.

Waxaa sidoo kale uu sheegay in gacanta ku dhigeen Ciyaal weero dhibaateyn jiray dadka shacabka ah ee ku dhaqan Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana sidoo kale la hayaa waxyaabihii ay u adeegsan jireen dhibaateynta dadka, sido baangado iyo Toorreeyo.

Dhanka kale Afhayeenka ayaa digiin Culus u diray Mooto Bajaajta iyo dadka Milkiilayaasha ah ee Mootooyinkooda u dhiiba dhalinyarada sida kirada ah ugu wada.

Waxaa uu sheegay in ay mamnuuc tahay in Bajaaj ay socoto wixii ka dambeeya 12:00AM Saqda Dhexe, waxaana uu carrabka ku dhuftay in tallaabo laga qaadi doono, cid kasta oo amarka Jabisa.

Sidoo kale waxaa uu digiin Culus dhankooda u diray shaqsiyaadka ku labbisan dharka Ciidanka Dowladda iyo Ciidanka hubka ku dhex-sita Magaalada, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay dhibaato Culus ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

About Webmaster

View all posts by Webmaster