Booliska Kenya oo baaritaano ku haaya dhowr qof oo Soomaali ah

Booliska Dembi-baarista Kenya waxay Maxkamadda Makadara Law Courts ee magaalladda Nairobi ka heleen oggolaansho ay ku sii hayn karaan 4 qof oo soomaali ah,isla markaana  lagu tuhunsan yahay dilkii gabar lagu magacaabi jirey Ismaan C/salaam, taasi oo dabayaaqadii bishii hore lagu dilay guri ku yaalla Xaafadda Islii ee magaalladda Nairobi.

Adarta Eedeysane ee ay Boliska Kenya baaritaanadda dheeraadka ku hayaan waxaa ka mid ah Haweeney lagu magacaabo Nadiifo Maxamed oo la sheegay inay Eeddo u ahayd Marxuumadda la dilay.

Sidoo kale, saddexda Eedeysane ee weli gacanta Boliska ku jira waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Baxsan Cabdi Salaad, Raxma Cabdi Cali iyo Xaawa Ibraahim Salaad

Dhinaca kale, Boliska oo loo soo far-muuqday maydka gabadhaasi ayaa sheegay inay faragelin ku sameeyeen si aan loo aasin maydka, oo ay u gudbiyeen Waaxda Dembi-baarista Boliska, si loogu sameeyo baaritaano dheeraad oo ku adaan qaabkii ay u geeriyootay Marxuumadaasi.

Wararku waxay sheegayaan in Marxuumadda jir-dil loo geystay, ilaa ay ku geeriyootay, iyadoo ay  dhaawacyo ku yaallaan qeybo ka mid jirkeeda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media