Booliska Gobolka Banaadir oo gacanta ku dhigay koox burcad ah oo Shacabka dhac u gaysan jiray

Booliska Gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay koox burcad ah oo gaari nooca raaxda ah ka dhacday dad shacab ah, meel u dhow garoonka cayaaraha ee Stadium Eng Yariisow ee degmada Cabdicasiis, sida uu warbaahinta qaranka u xaqiijiyey taliska qeybta guud.

Kooxdaan burcadka ah oo ka kooban shan rag ah oo watay qoryaha AK47 ayaa gaariga ku joojiyay isgooska Ex control, halkaas oo ay ku baarteen dadkii saarnaa gaariga, iyagoo ka qaatay dhamaan taleefanadii ay wateen, kadibna iska dajiyay dadkii shacabka ahaa.

“Ciidanka Booliska oo xogta ragaan hayay wada shaqeena ka halaya dadka shacabka ah ayaa ragaan iyagoo baxsad ah ku qabtay deegaanka Garasbaaley ee duuleedka magaalada Muqdisho 12/01/2023 abaaro 08:00 subaxnimo. Burcadaan hubaysan ayaa haatan ku jira gacanta ciidanka Ammniga, waxaana la hor geynayaa hey’adaha kale garsoorka si cadaallada loo marsiiyo,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska booliska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor