Booliska Degmada C/Casiis oo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen Haween Isticmaalayay Maandooriye

Howlgal ay sameeyen Ciidanka Booliska Degmada Cabdi Casiiis ee Gobolkani Banaadir ayaa waxa ay kusoo qab qabteen dad la sheegay in ay Isticmaaleen Maandooriye, Waxaana dadka lasoo qabtay ay ahaayen Haween.

Taliyaha Booliska Degmada Cabdi Casiis Cabdulaahi Cusmaan ayaa sheegay in haweenka la soo qabtay ay Isticmaalayeen waxyaabaha Maanka  Maandooriya, isla markaana ay u is ticmaalayeen qaab anshaxa ka fog.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka Booliska waxaa ay ka sameeyen Goobaha inta badan Bulshadu ku caweeyaan iyo goobo kale, waxaana Goobaha ay baaritaannada ka sameeyeen ka mid ah Xeebta Liido oo inta badan ah ay ku dalxiisaan Qaybaha kaal duwan ee bulshada, balse Taliska ayaa sheegay in ay jiraan dad khatar ku ah ammaanka iyo waliba anshaxa kuwaas oo goobaha dalxiiska si xad-dhaaf a ugu isticmaala Maandooriyaha.

Hawweenka lasoo qab qabtay ayuu sheegay taliye Cabdulaahi Cusmaan in ay caadeeysteen Isticmaalka waxyaabaah maanka dooriya, ayna dhibaato ku hayaan bulshada qaybaheeda kala duwan, maaddaama ay ku miir-doorsamaan waxyaabaah ay isticmaalaan.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in dadka ay kusoo qab qabtaan falalka noocaan ah ay mar waliba damiintaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana uu sheegay in taasi ay dhibaato ku tahay shaqada Booliska.

Tiro dhowr jeer ah ayay Ciidanka Boolisku waxaa ay soo qab qabteen dad lagu eedeeayay in Maandooriye u isticmaalayeen, waxaana inta badan ay ka kooban yihiin dadka falalkaan loo qab qabto dhalinyaro iyo Haween.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media