Taliska ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen koox iskugu jirta haween iyo Rag ku howlanaa in muddo ah ka ganacsiga caruurta magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Zakiya Xuseen Axmed ayaa barteeda Facebook ku soo daabacday warbixin la xiriirta in howlgallo ciidamada ammaanku ka sameeyeen Muqdisho ay ku soo qabteen kooxdaan isla markaana su’aallo laga weydiinaya shaqadooda.
Ciidanka Boliiska gaar ahaan Hoggaanka Dembi Baarista ee CID ayaa soo qabtay shabakad ka ganacsata caruurta taasoo la daba joogay muddo hal bil waxaana howlgalkaas lagu soo qabtay 11 eedeysaniyaal oo 8 ay yihiin haween. Sidoo kale waxeey ciidanka soo badbaadiyeen 11 caruur da’dooda u dhaxeeysa 12 sano jir illa 7 bil jir kuwaas oo ah beec-sugiyaal oo hada ay xanaaneenayaan ciidanka boliiska intii laga baadigoobaya waalidiintooda.