Ku-xigeenka Taliyaha Boliska magaalladda Mombaasa ee dalka Kenya, Walter Abondo ayaa sheegay inay Boliska gelinkii dambe ee shalay dileen 2 nin oo uu ku tilmaamay in aad loo baadi goobayey, kana tirsan yihiin Dagaalamayaasha Alshabaab.
Waxa uu tilmaamay in raggaasi oo muddo 2 bilood ah lagu raad joogay lagu dilay Deegaanka Mishomoroni ee magaalladda Mombasa, iyadoo mid kalena uu baxsaday.
Walter Abondo waxa uu xusay in ragga la dilay la aqoonsaday, isla markaana ay xiriir la lahaayeen Hawlgalladda ay Alshabaab ka wadaan magaallooyinka Malindi iyo Lamu, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhinaca kale, Boliska waxay soo bandhigeen hub ay sheegeen in laga helay labada nin ee ka tirsan Alshabaab ee lagu dilay Mombasa, waxaana hubkaasi ka mid ahaa Bam-gacmeedyo, rasaas, Maadada Acid ee laga samayn karo waxyaabaha qarxa iyo Cajalado Video oo laga baran karo qaabka loo farsameeyo waxyaabaha qarxa.